United States Welcomes the Announcement of the Nomination of a New Council of Ministers

U.S. Special Representative for Somalia (SRS) James P. McAnulty welcomes the January 28 announcement of the nomination of a new Council of Ministers (Cabinet). The United States commends the efforts of those who worked constructively to resolve the lengthy impasse in nominating Cabinet members, and now urges all stakeholders to expedite the process of forming a new Government. As partners to the Somali people, the United States expresses its hope that Somalia will be able to move past this protracted political crisis and redouble efforts towards accomplishing Vision 2016 goals and objectives.

“The United States welcomes the announcement of a new proposed Cabinet. This is a crucial first step towards establishing a new Government tasked with the enormous responsibility of realizing important peacebuilding, governance, and security goals by 2016. This is the time to leave politics aside and focus on the well-being of the nation,” said SRS McAnulty.

The United States Government remains a committed partner to the government and citizens of Somalia and will continue to support Somalia’s path towards a peaceful, stable, and prosperous future.

# # #

Dawlada Maraykanku Waxay Soo Dhoweyneysaa Magacaabida Gollaha Wasiirada ee Cusub

Wakiilka Dawlada Maraykanka u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James P. McAnulty wuxuu soo dhoweynayaa ku dhawaaqistii 28-kii bishan Janaayo lagu dhawaaqay Gollaha Wasiirada ee cucub. Dawlada Maraykanku waxay amaan usoo jeedinaysaa dhamaan dadkii ka qaybqaatay xalinta khilaafaadkii hareeyey magacaabista Gollaha Wasiirada, waxayna ku dhiiri gelinaysaa dhamaan dadka ku lug leh arintan in ay si deg deg ah u soo gabagabeeyaan arimaha ku saabsan dhismaha dawlada cusub.  Maadaama aanu nahay saaxiibada Soomaaliya, Dawlada Maraykanku waxay aad u rajaynaysaa in Soomaaliya ka gudubto qalalaasaha siyaasadeed ee daba dheeraaday dibna loo labanlaabo dadaaladii iyo shaqadii ku aadanayd ujeedooyinka iyo hadafka Hiigsiga 2016.

“Dawlada Maraykanku waxay soo dhoweyneysaa dawlada cusub ee lagu dhawaaqay. Arintani waa talaabo muhiim ah oo hore loogu qaaday dhismaha dawlad cusub oo gudata masuuliyada ka saaran sidii loo heli lahaa sugida nabadgelyada, dawladwanaaga, iyo aminga ilaa inta laga gaarayo 2016. Hada waxaa la joogaa waqtigii dhinac layska dhigi lahaa arimaha siyaasada loona soo jeensan lahaa sidii diirada loo saari lahaa danta qaranka.” ayuuu yiri Wakiilka Dawlada Maraykanka u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James P. McAnulty.

Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay garab istaagto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna sii wadaysaa taageerada ay siiso Sooomaaliya ee ku aadan sidii loo gaari lahaa nabadgelyo buuxda, xasilooni iyo barwaaqo.