U.S. Special Representative Condemns Attack on Maka Al Mukarama Hotel in Mogadishu

U.S. Special Representative for Somalia James P. McAnulty condemns in the strongest terms terrorist organization al-Shabaab’s dishonorable March 28 attack on Maka Al Mukarama Hotel in Mogadishu.  He extends his deepest sympathy to the families and friends of those killed in the attack, and best wishes for the complete recovery of those injured.

Somalia is moving forward. In politics, new federal states are being created and new institutions are taking steps towards stronger governance and stability. Investors are coming forward and creating innovative solutions to address the challenges of a nation without an effective currency for a quarter century. In partnership with other African nations, Somalia is fighting and winning against the losing prospect of violence and extremism.

All across Somalia, in every region, the people recognize that their future lies not with extremism, but with hope and economic development. Cowardly acts against unarmed men and women will not deter the United States’ support to the Federal Government of Somalia in building democratic institutions and providing services to citizens. The Somali people will move forward with renewed strength, and the United States will stand with them every step of the way to ensure a better future for the next generation of Somalis. The enemies of the Somali people will lose, and Somalia will prevail.

Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka oo Cambaareeyey Weerarkii Hotelka Maka Al-Mukarama ee Muqdisho lagu Qaaday

March 30, 2015

Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, ayaa si weyn u cambaareeyey weerarkii foosha xumaa ee Ururka argagixisada Al-shabaab ay March 28keedii ku qaadeen Hotelka Maka Al-mukaram ee magaalada Muqdisho.

Ergayga ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo saaxiibada dadkii lagu dilay weerarkaas, wuxuuna u rajeeyey dadka dhaawacmay bogsasho dhameystiran.

Soomaaliya horumar ayay sameyneysaa. Dhinaca siyaasadda, dowlado federaal ah oo cusub ayaa la sameeyey, nidaamyada cusubna waxay horey u qaadayaan tallaabooyin wax-tar leh oo dhinaca dowladnimada iyo daganaansho xoogan ah. Maalgashadayaal ayaa imaanaya, waxayna abuurayaan xal cusub si wax looga qabto caqabadaha ka jira dal aan muddo rubac qarni ah laheyn lacag si wax ku ool ah u shaqeyneyso. Iyadoo lala kaashanayo dalalka kale ee midwoga Africa, Soomaaliya waxa ay la dagaalamaysaa, kana guuleysaneysaa aragtida sii guuldareysaneysa ee ku dhisan rabshadaha iyo xagjirnimada.

Soomaaliya oo dhan, gobol walba, dadka waxa ay aaminsan yihiin in aayahooda aysan ku jirin xagjirnimo, balse uu ku xiran yahay rajada horumarka iyo dhaqaalaha. Falalka fulaynimada ah ee  ka dhanka ah rag iyo dumar aan hubaysneyn ma carqaladeyn doonaan taageerada Mareykanka uu siiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku aadan dhismaha Nidaamyo dimuquraadi ah iyo u adeegidda muwaadiniinta. Dadka Soomaaliyeed horey ayay u socon doonaan ayagoo leh awood dheeraad ah, dowaldda Mareykankana waa ay ku garab istaagi doontaa tallaabo kasta oo loogu xaqiijinayo mustaqbal wanaagsan jiilka Soomaaliyeed ee xiga. Cadowga dadka Soomaaliyeed waa ay guul-dareysan doonaan, Soomaaliyana waa ay guuleysan doontaa.