International partners encourage Interim Juba Administration and Federal Government to resolve issues through dialogue and consultations

Mogadishu – The United Nations, Inter-Governmental Authority on Development (IGAD), the European Union (EU), African Union Mission in Somalia (AMISOM), the United States of America, and the United Kingdom welcome the progress made to date in the Juba state formation process.

“We welcome the efforts of the Federal Government of Somalia (FGS) and encourage the Interim Juba Administration (IJA) and the Federal Government to work constructively to resolve any issues arising from the Interim Juba Regional Assembly process through dialogue and consultations. The current challenges concerning the formation of the Interim Juba Administration Assembly need to be addressed in a spirit of reconciliation and compromise.

The ministerial committee established by the Prime Minister on behalf of the Federal Government to advise on solutions is a positive step. We welcome this important development. We encourage all stakeholders to allow the Prime Minister and committee members time to do their work and give the committee the required cooperation.

We urge all stakeholders to refrain from actions that will undermine the wider state formation process or reverse gains made in the process. With the establishment of the Juba regional assembly, critical state building processes are ongoing, with respect to the Jubba constitution, and all require the strong support of Somali stakeholders and international partners at this time.

We hope to see a constructive solution through an orderly, inclusive and Somali-led process.

Somalia’s international partners remain committed to supporting the nation’s peace and state-building process.”

End.

**********************************************************

Saaxiibada Caalamku waxay ku dhiirri-gelinayaan Maamulka Kumeelgaarka Jubba iyo Dowladda Federaalka in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi

Muqdisho – 09 June 2015 – Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska waxay soo dhoweynayaan horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray geedi-socodka maamul samaynta ee Jubba.

“Waxaan soo dhoweynaynaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ku dhiirri-gelinaynaa Maamulka Ku-Meelgaarka Jubba iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) inay si waxtar leh uga shaqeeyaan sidii lagu xallin lahaa wax kasta oo ka dhasha geedi-socodka baarlamaan goboleedka Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Jubba (IJA), laguna xalliyo wadahadal iyo wadatashi. Caqabadaha hadda taagan ee la xiriira dhismaha Golaha Barlamaanka Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Jubba waa in lagu wajaho qaab dib-u-heshiisiin iyo isu-tanaasul ku dheehanyihiin.

Guddiga Wasiirada ee uu Ra’iisal Wasaaruhu sameeyay isagoo ka wakil ah Dowladda Federaalka si uu uga tala bixiyo xalka waa tallaabo wax ku ool ah. Waxaan soo dhoweynaynaa tallaabadan muhimka ah ee horey loo qaaday. Waxaan dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso ku dhiirrigelinaynaa inay waqti siiyaan Ra’iisal Wasaaraha iyo xubnaha guddiga si ay hawshooda u gutaan iyo in guddiga lala yeesho wadashaqaynta loo baahanyahay.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso inay ka joogsadaan tallaabooyinka waxyeello u geysan doona geeddi socodka sameynya dowlad-goboleedyada guud ahaan ama dib u dhac ku keeni kara guulihii geeddi socodka laga gaaray. Iyadoo hadda la sameeyay golaha baarlamaan goboleedka Jubba, waxaa socda geeddi socodyo dowlad dhisid oo muhim ah oo la xiriira dastuurka Jubba, arrimahaas dhammaantoodana waxay u baahanyihiin in dhinacyada arrintu khuseyso iyo beesha caalamkuba ay aad u taageeraan waqtigan hadda la joogo.

Waxaan rajeynaynaa inaan aragno xal wax ku ool ah oo lagu gaaro hanaan nidaamsan, loo wada dhanyahay oo ay Soomaalidu horseedo.

Saaxiibada ay Soomaaliya caalamka ku leedahay waxaa ka go’an inay taageeraan geeddi socodka dalku ee nabadda iyo dowlad-dhisidda.

Dhammaad.